Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Magcaabay Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland.

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lagu magcaabay Xeer Madaxweyne Lr-121 October, 15, 2017 Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:                      Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu arkay:                      Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu Xeeriyey:                                               

  1. Waxaa Maxamed Cabdi Faarax (Qambi) loo magcaabay Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland.

 

  1. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.