Qaramada Midoobay ” Argigixasada dhib xun ayay ka geesteen Muqdisho “

Micheal Keatig Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay Qaraxii shalay ka dhacay  Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Danjire Micheal Keatig ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso oo naxdin leh kaas oo lagu xasuuqay dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan.

“Waxaan cambaareynayaa weerarki argagixiso ee naxdinta lahaa , kaas oo lagu beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan, weerarkaas oo ay ka dhalatay  khasaaro baaxad weyn. Xeeladaha aan kala sooca lahayn ee lala beegsanaayo dadka Soomaaliyeed waa fal naxariis darro ah waana dembi mudan in la cambaareeyo.” ayuu yiri Keating.