Video:-Jahwareerkii ugu xumaa oo ka taagan Muqdisho iyo Madaxwayne Farmaajo Oo gaaray goobta qaraxu ka dhacay

Waxaa sii koradhay tirada dadkii ku dhintay qaraxii shalay ka dhacay magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Waxaa soo baxaysa imika in qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho shalay uu ahaa kii ugu xumaa ee soo mara magaladaasi.
 
Saraakiisha ayaa waxa ay sheegayaan in ugu yaraan 230 qof ay ku dhinteen qaraxaasi shalay ka dhacay Muqdisho.
Warar aan la xaqiijin ayaa muujinaya in tirada ay intaasi ka badnaan karto.
 
Waxaa sidoo kale jira dhaawacyo badan oo lagu dawaynayo isbataalada magaalada Muqdisho.
 
Kooxaha gurmadka ayaa weli ku mashquulsan sidii ay u soo badbaadin lahayeen dad laga cabsi qabo inay burburka dhismooyinka ku hoos jiraan.
 
Ma cadda ilaa iyo hada kooxda ka danbaysay qaraxan, .
Balse waxaa hubaal ah in uu qaraxani ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee ka dhaca Muqdisho .
 
Qaraxii ugu horeeyay ayaa ahaa gaari nooca qaada xamuulka oo ku qarxay waddo mashquul badan oo ay ku yaalaan Hotelo,iyo xafiisyo ay dowlada leedahay.
 
Madaxwaynaha Soomaaliya oo booqday goobta qaraxu ka dhacay iyo isbitaalada dhaawcyadu yaalaan,ayaa ku dhawaaqay seddex maalmood oo baroor diiq loo samaeynayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi,hoos ka daawo muuqaalka

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka