Diblomaasiyiinta Safaaraadda Dowladda Imaaraadka Carabta Ee Muqdisho Oo ka qaybgalay dhiig shubista

Diblomaasiyiinta Safaaraadda Dowladda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa Dhiig ugu deeqay dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Is-goyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Isbitaalka Sheekh Zaayid ee Dowladda Imaaraadku ka hirgelisay Magaalada Muqdisho ayaa gacan ka geystay daaweynta Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe.

Isbitaalka Sheekh Zaayid ayaa Sidoo kale gaarsiiyay deeq daawo ah qaar ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho ee la tacaalaya daaweynta dadkii ku dhaawacmay Qaraxa.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ballan qaaday in ay gacan-weyn ka geysaneyso daaweeynta Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay Magaaladda Muqdisho.