Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Taliye Xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lagu magacaabay Xeer Madaxweyne Lr-119 October, 15, 2017, Taliye Xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu Arkay:                     Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu Arkay:                     Aqoontiisa, Kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo.

Markuu Tixgeliyey:              Talo soo jeedinta taliyaha ciidanka Madaxtooyada.

Wuxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa G/le Xasan Cabdullaahi Maxamed loo magacaabay Taliye Xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Dawladda Puntland.

 

  1. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=