MARIN-HABAABIN SIYAASADYSAN!!!

Hadalka wasiirka arimaha dibada Qatar Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani laga sheegay inuu yiri ee isugu jiray labada qaybood ee kala ah in weerarkii KM5 Zoobe -Muqdisho ka dhacay 14 Oktoobar lagu beegsaday safaaradooda ku taalla agagaarka KM4 iyo kan kale ee ah ah in Soomaaliya dawlado kale ka aargoosanayaan, iyo Dhanka kale fariin lagu qoray barta twitter-ka TV-ga aljazaara ee isla dalkaas laga leeyahay in Alshabaab ay dafireen weerarkii sabtida dhacay ayagoo dabadhigay su’aal ah cidda ka danbeysay? Hadalkaasi sida kala duwan loo yiri wuxuu dhammaantiis ku soo biya-shubanayaan marin habaabin iyo siyaasadayn weerarkii dhiigga badan ku daatay ee dadkeena boqolaalka ah ay ku dhamaadeen?

Waxa cidda taqaanaa Muqdisho ay qiyaasi kartaa masaafada u dhexeysa goobta weerarku uu ka dhacay iyo safaarada Qatar ee Muqdisho oo ah hal kilomitir, ayadoo diplomaasigii halkaas ku dhaawacmay la sheegay in firir burbur muraayadihii guriga uu degenaa kaga yimid uu ka soo gaaray dhaawac khafiif, taasoo ay la qabeen boqolaal muwaadiniin ah oo agagaarka deegankaas ku noolaa.

Hadalka Tv-ga Aljazeera boggiisa lagu qoray ee ah in alshabaab ay iska inkireen weerarkaas illaa waqtigaan lama hayo meel ay shabaab uga hadleen weerarkaas ama ay ku sheegeen iska fogayn ku saabsan ku lug-lahaanshaha qaraxa km5.

 

 

 

Dhanka kale ayadoon wali wax baaris waafi ah aan la sameyn in eedayn dusha looga tuuro dawladaha ay dalkaas Qatar siyaasadda isku hayaan, waxay banaanka soo dhigaysaa in loolankii dawladaha khaliijka la doonayo in loo soo raro dalkeena, ayadoo l bari-yeelayo kooxaha shabaab & kooxihii kale ee argagixisada ee dhibaatada ku hayey dadkeena iyo dalkeena.

Waxaan u soo joognay weerarro iyo dilal la xumaaday alshabaab markay fuliyeen ka dib sida weerarkii hotel Shaamow ee 03 December 2009, ka dib markii ay yaqiinsadeen in dareenkii shacabku uu aad u kacay sida dhacday weerarka isgoyska Zoobe ka dhacay sabtidii la soo dhaafay oo kale, marnaba aamusnaantooda u qaadan mayno, cid u fasiri kartaana ma jirto in aysan Alshabaab iyo Daacish ku lug lahayn weerarkii KM5 ee sabtida.

 

 

Wasiirka reer Qatar, waxaad moodaa inuusan eegin xanuunka ku dhacay & musiibada ku habsatay boqolaalka qof ee Soomaaliyeed, laakin aad moodo in ay u muuqatay fursad uu uga faa’idaysan karo in uu kaga aargoosto dawlado kale oo ay siyaasadda isku hayaan, taasoo lafteedu aan ku haboonayn in lala eegto raqda dadkeena dusheeda, dhanka kalena uusan ixtiraamin garashadeena & aqoonta dadkeenu u leeyihiin weerarada noocaan ah iyo inuu isku dayey inuu naga weeciyo cadowga argagixisada ah ee loolanka kula jiray in muddo ah caqiidadeena, dadkeena iyo jiritaanka dawladnimadeena ee alshabaab & Daacish.

Si kastoo ay noqotaba waxaan dawladeena uga digaynaa in ay raacdo dabinkaas loo dhigayo iyo baaska loo baasay in aysan u qaadan kubadda sida saaxiibadeed Qatar ay u dhigayaan, balse taa bedelkeeda waxaa haboon in baaritaan sax oo lala kaashanayo khubarada ku takhasustay baaritaanada noocaan ah ee dawladaha aan saaxiibka nahay ee dhexdhexaadka ah sida uga dhaqsiyaha badan uga hawlgalaan, taasoo natiijada ka soo baxda lala wadaago umadda iyo cidda ay khusayso.

 

 

 

Xildhibaan Fiqi.