Video:-Gurmad ku qulqulaya magaalada Muqdisho

Maanta ayaa ugu dambeysa sadex maalmood oo Somalia ay ku jartay baroordiiq qaran oo loo sameeynayay dadkii ku dhintay qaraxiii sabtidii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Waxaa dhinaca kale la soo gabagabeeyay baadi goobkii lagu baadi goobayay meydadka iyo haddii ay jirto cid ka badbaaday qaraxaasi oo ku hoos jirtay burburka dhismayaasha uu qaraxa dhulka dhigay.

Dowladda ayaa shaacisay in tirada dadkii ku dhintay qaraxaasi ay korodhay oo ay gaartay 281 qof, halka dhaawacana uu yahay ilaa 300.

Dhinaca kale, waxaa sii socda gurmadka caalamiga ah ee gaaraya magaalada Muqdisho, iyadoo ay maanta gaareen dayuurado sida dawo iyo qalab caafimaad, kuwaa oo qaakood dib u qaaday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxa Muqdisho.

Dowladda Mareykanka ayaa Muqdisho u dirtay dayuurad sida deeq dawo ah.

Dowladda Qadar ayaa iyana geysay dayuurad sida deeq dawo ah, taasoo dib u qaaday tiro dhaawac ah.

Kenya iyana waxey u dirtay Muqdisho laba dayuuradood iyo oo sida dawo iyo dhaqaatiir, iyadoo 30 ka mid ah dhaawacyadii Muqdisho wax ku noqdayna u qaaday Kenya,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka