Dhagayso:-Cumar Cabdirashiid oo ujawaabay Madaxweyne Farmaajo

Madxweynaha Soomaaliya oo galabta la hadlayay banaanbaxayaal isugu soo baxay magaalada Muqdisho ayaa dhinaca kale fariin u diray siyaasiyiin uu sheegay inay dalal shisheeye xiriir la leeyihiin.

Fariintaas ayaa madaxweynaha waxa uu ku yiri “waxaa la joogaa waqtigii aan siyaasadda meel iska dhigi laheyn oo aan gacmaha isqabsan laheyn.”

Inkastoo uusan madaxweynaha carabaabin magac, hadana fariintaasi ayaa loo turjuntay inay ku socoto siyaasiyiinta ay dowladdu isku hayaan mowqifka dhexdhexaadnimo ee ay ka qaadatay Khilaafka wadamada Khaliijka Carabta.

Siyaasiyiintaa waxaa ka mid ah Ra’iisul wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke. Wariyehenna Maxamed Colaad Xassan ayuu khadka taleefanka ee dalka Talyaaniga ugu waramay, isagoo ugu horeyn ka hadlay qaraxa Muqdisho,hoos ka dhagayso codka Cumar.

 

 

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka Rw Cumar