Video:-Puntland uma kala harin shacab iyo xukuumad ugurmashada dadka masiibadu ku dhacday ee Muqdisho

Masaajidka weyn ee Rowda ee magaalada Bosaso,ayaa caawa lagu qabtay kulan balaaran oo kaalmo loogu ururinayo shacabkii Somaliyed ee ku waxyeeloobay Qaraxii Soobe ee Magaalada muqdisho.

Kullanka gurmadka ee ka dhacay Masjidu Rawdo,ayaa hormuud waxaa ka ahaa masuuliyiinta Dawlada Puntland.

Masuuliyinta ka qaybgalay ayaa kala ahaa Wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo ah madaxda guddiga gurmadka ee dowladda C/laahi Cali Xirsi (Timacade), Guddoomiyaha gobolka bari Yuusuf maxamed Wacays (dhado), Duqa degmadda Bosaso Yaasiin Mire Maxamuud, Guddiga culuma’udiinka Puntland, Ganacsato, Aqoonyahano iyo dadweyne aad u farabadan, waxaana toos looga dhagaysanayay Idaacadaha maxaliga ah ee Puntland.

Kulanka ayaa lagu ururiyay dhaqaale gaaraya 100,000 oo dolar(Boqol kun oo dolar),waxaana loo kala bixiyay sidantan soo socota:-

-Madaxweyne Cabdiweli Gaas wuxuu ku deeqay $10,000kun oo dollar,

-Shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta ee Golis waxay ku deeqeen $10,000 kun doolar,

-shirkada Dahabshil waxay ku deeqday $30,000 kun oo dollar.

-Jaamacadda Bariga Afrika waxay ku deeqday $5000.

-Shacabka Puntland ayaa iyaguna ku yaboohay dhaqaalaha intiisa kale.

Hoos ka daawo muuqaalka Culumada Puntland oo ilmadu ka qubatay xili ay ka hadlayeen masiibada ka dhacday Muqdisho.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka