Xildhibaan ka tirsan Baarlaanka Jubbaland oo la dilay

Waxaa gor dhow Magaalada Kismaayo lagu dilay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dowlad Gobaleedka Jubnaland.

Xildhibaanka la dilay ayaa lagu Magacaaba Cabdixakiin Tima Faras waxaana la dilay Saladii maqribka iyo Cishaha inta u dahaxaysay.

 

 

Dilka Xildhibaan Cabdixakiin ayaa waxa gaystay Nin ku hubaysan Ake 47 qoriga lo yaqaano waxaana Xabadaha ay kaga dhaceen Xildhibaanka qaybta sare jirka.

Ciidamada Amaanka Jubbaland ayaa gaaray Xaafada Calanleey oo dilka Xildhibaanka uu ka dhacay waxayna dhamaan xireen wadooyinka Xaafadaas so galo.