Juxa iyo Maryan Qaasim Oo laga reebay Gudiga Gurmadka Qaran ee Fadaraalka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa ka reebay Guddiga Gurmadka QARAN labo wasiir oo muhiim u ahaa hawsha gurmadka sida Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Saciid “Juxa” iyo Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka Maryan Qaasim Axmad .

Guddiga Raysal wasaare Kheyre u magacaabay arrimaha gurmadka ayaa isugu jira Wasiiro iyo Ururada bulshada, waxaana gudoomiye looga dhigay Guddiga Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducale).

Wasiir Juxa iyo Raysal wasaare Kheyre mudooyinkii dambe waxaa u dhaxeeyay khilaaf salka ku haya arrimaha Federaalka iyo xilka qaadistii Xogyahihii Joogtada Wasaarrada Arrimaha Gudaha, oo markii xilka laga qaadey Raysal wasaare Kheyre uu geeyay xafiiskiisa isaga oo madax uga dhigey xafiis lagala socda shaqooyinka Wasaaradda Arrimaha Federaalka iyo Dastuurka oo hadda qaabka loo wajahayo muran xoogan uu ka taagan yahay.

Dadka loo magacaabay Guddigaan ayaa dhamaantood ka kooban xubnaha fikirka ay aad isugu dhow yihiin Raysal wasaare Kheyre, Xilli golaha xukuumada dowlada Federaalka ay u qeybsan yihiin kooxo kala tageera siyaasadaha hoose ee ka socda xafiiska RW Kheyre iyo Kuwo fikirkoodu ka madax banaan yahay oo lagu sameeyay Go,doomin.

Waxaana Guddigaan ka maqan Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maryan Qaasim Axmad oo iyadu ka mid ah mas’uuliyiinta fikirkooda madax banaan yahay iyo Wasiirka Maaliyada Dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

 

Dhugashada Abshir Dhiirane…