Dhagayso:-Madaxweyne Gaas”D.Fadaraalka yaysan ku mashquulin duminta dawlad Goboleedyada Ee haku mashquusho amniga”

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gaaray magaalada Garoowe, isagoo ka soo laabtay safar uu ku joogay magaalada Boosaaso ee xudunta Ganacsiga Puntland.
 
Madaxweynaha ayaa faahfaahin ka bixiyey dhismaha Madashii wadatashiga ee lagu dhisay magaalada Kismaayo, looguna doortay Hogaamiyaha madashaas, wuxuu sheegay in ay ka shaqeynayso wada tashiga iyo horumarka Soomaaliya.
 
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin sidda looga turjumay ama loo buun-buuniyey, balse ay tahay madal Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya uu qabo sameynteeda oo sharciyad ku dhisantay.
 
Mr, Gaas ayaa kusifeeyey warsaxaafadeedkii maanta soo baxay mid muhiim ah, kuna soo beegmay xili ay Ummadda Soomaaliyeed la ilmeynayaa ama ka murugaysan yihiin dhimashada dad ka badan 358 qof, oo ku geeriyooday Qaraxyadii Zoobe.
 
Madaxweynaha ayaa cadeeyey in loo baahan yahay in lagu mashquulo la dagaalanka Argagixisada iyo sidii Amniga sare loogu qaadi lahaa, balse aysan muhiim aheyn in lagu mashquulo duminta dawlad gobaleedyada dalka.
 
Madaxweynaha dawladda Puntland wuxuu tilmaamay in dhib badan laga soo maray dhismaha dawlad gobaleedyada, cidda duminaysa ay tahay mid aan waxba xal ah u soo wadin Ummadda Soomaaliyeed,hoos ka dhagayso codka.
 
Halkan ka dhagayso codka Madaxweynaha