Jowhar Oo saakay udiyaar garoobaysa caleema Saarka Madaxweyne Waare

Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hir-Shabelle,ayaa sheegaya in saaka ay ka socoto qaban qaabadii ugu dambeysay ee Munaasabadda Caleemo Saarka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
 
Magaalada maalmahan waxaa ku sii qulqulayay Wafuud kala duwan oo Munaasabadda lagu casuumay, waxaana laga dareemayaa diyaar garow aad u balaaran,
 
Wufuud kala duwan ayaa ka qaybgalaysa caleemo saarka Madaxweyne Waare.waxaana ugu horeeya Madaxweynaha Madaxweynayaasha dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraaalka ahna Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,sidoo kale waxaa madaxda imaanaysa ka mid ah Madaxweyne Axmed Madoobe,Shariif Xasan iyo Xaaf.
 
Dhanka Fadaraalka ayaa la filayaa in uu ka yimaado wafti uu hogaaminayo Ra’isalwasaare Khayre.
 
Amaanka magaalada jowhar ayaa aad loo adkeeyay waxaana lagu arkayaa ciidamo fara badan oo ka qeyb qaadanaya sugida amniga magaaladaasi.