Ma’ iib baa gargaarka bini,aadamnimo Ee Turkigu?

#TURKEY

Waxaa dhawaan laga furay Muqdisho saldhig milatari oo dowladda Turkiga ku yeelanayso saldhigii ugu horeyay noociisa oo laga furo burburkii ka dib Somalia !.

Sababaha sahlay inuu saldhig noocaan ah dal shisheeye ku yeesho Soomaaliya waxaa ugu weyn burburka dalka ka jira iyo tuhunka laga qabo dhaqanka waxa Beesha Caalamka loogu yeero, Haddaba ma kula tahay inay ka faa.iideysatey Dowladda Turkey cabsida ka jirta Dalka?.

Turkigu wuxuu tusay Soomaaliya taageero hiil sokeeye leh,marka loo eego gurmadka iyo taageerada uu la daba joogo VILLA SOMALIA laga soo bilaabo ilaa abaartii baahsanayd xilligii Shiikh Shariif Axmed, balse hadda u muuqda inay kusoo dhammaanayso taageeradiisu walaac guntiisu yahay qorshayaal dhaqaale iyo kuwo military!..

TUSAALE
Xamar waxay ku dhacday gacanta Turkiga Saldhiga ciidanka, Dekeddii Xamar, Garoonkii Diyaaradaha, Isbitaalkii guud ee Digfeer, Dugsiyo gaar ah oo ay leedahay dowladda Turkigu..Waxaanse wali la ogeyn qorshayaasha kale ee dabayaala iyo baaxadoodu intay la egtahay!

HADDABA WAA SU,AALE?
1) Ma iib baa gargaarka bini,aadamnimo?
2) Aawey? Kuma garanaya shuruucda Gurmadka?

#Dhugashada_Dhiirane