Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa saaka gaaray magaalada Jowhar

Madaxda qaar ka mid ah Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa saaka gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle, halkaasoo ay uga qeyb galayaan Caleema saarka Madaxweyne Waare.
 
Madaxweyne Gaas iyo waftigisii ayaa gaaray Jowhar daqiiqado ka hor,sidoo kale Madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed.
Jubbaland,ayaa goor dhow gaaray Jowhar, waxaana halkaas ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Waare iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Hirshabeelle.
 
Waxaa kaloo gaaray Jowhar Senatoro ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka, odayaal dhaqameedyo iyo siyaasiyiin.
 
Waxaa goor dhow lagu wadaa inuu ka dego garoonka diyaaradaha Jowhar Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed.
 
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa inuu isna gaaro magaalada Jowhar, si uu uga qeyb galo caleema saarka Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
 
Madaxweynaha Hirshabeelle oo la doortay 16-kii bishii hore ee September ayaa maanta uu dhacayaa caleema saarkiisa, kaddib markii labo jeer oo hore uu u baaqday.
 
Ammaanka magaalada Jowhar ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo ka tirsan AMISOM ay la wareegeen amniga xarunta uu shirka ka dhacayo, halka Ciidamo Milateri, Boolis iyo Nabadsugid ay ka qeyb qaadanyaaan sugida amniga guud ee Magaalada Jowhar.