Nigeria:-Boko Xaraam Oo Dad badan ku laayay Qarax ismiidaamin ah

Wararka ka laga helayo dalka Nigeria ayaa sheegaya in dad isku soo xiray waxyaabaha qarxa ay ku dileen in ka badan tobannaan qof laba weerar oo kala duwan nawaaxiga magaalada Maiduguri.

Ma jirto Koox sheegatay in ay geysatay weerraradan, balse magaaladan Maiduguri waxaa si joogta ah u bartilmaameedsada kooxda Boko Xaraam.

Sarkaal ka tirsan booliiska Nigeria ayaa sheegay in weeraradu ay ka dhaceen xero ay ku jiraan dad ka soo cararay colaada ay waddo maleeshiyaadka kooxda Boko Xaraam.

Ku dhawaad laba milyan oo qof ayaa ku barakcday collaada Boko Xaraam ee ka taagan magaalada Maiduguri.

 

 

Xigasho BBC.