Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo waftigiisa oo gaaray magaalada Jowhar

Wafti uu horkacayo Ra’iisal wasaaraha Dowlada Fadaraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,ayaa goor dhow ka degey garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar iyagoo ka qaybgalaya xaflada caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.
 
Waftiga uu horkacayo Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga,Wasiirka Waxbarashada,Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga,Wasiir ku xigeeno,xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida.
 
Magaalada Jowhar ayaa waxaa saaka soo gaaray Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Koofurgalbeed, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland.
 
Markii ay soo gaareen magaalada Jowhar ayaa madaxda dowlad goboleedyada waxa ay yeesheen shir uu albaabada u xiran yahay balse ma jiro wax war ah oo ay ka soo saareen kulankooda.
 
Goordhow ayaa lagu wadaa in xarunta baarlamaanka Hirshabelle ay gaaraan dhammaan wafdiga ka soo qeybgalay munaasabada caleemasaarka Madaxweynaha HIrshabelle