Taliska Booliska”Askarigii qofka shacabka ahaa ku dhax dilay Saldhigga Heliwaa waa naga fakaday”

Afhayeenka Ciidanka Booliska Muqdisho Qaasim Axmed Rooble oo goor-dhaw Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidanka uu ka baxsaday Askarigii Labo maalin ka hor qof shacab ah ku dhax dilay Saldhigga degmada Heliwaa ee Gobalka Banaadir.
 
Afhayeenka ayaa sheegay in Askariga ay marka hore qabteen Ciidanka ka dibna uu rasaas ku furay kana fakaday waxa uuna sheegay in ay maalmahaan ku raad joogeyn balse ay waayeen.
 
Booliiska ayaa dalbaday in lala soo wadaago Xogta Askarigaan gudo iyo Dibadba sidoo kalane waxa ay cadeeyeen in ay la wadaageyn Booliska Caalamiga ah ee Interpol laguna raad joogo hadii uu wadanka ka baxo.
Askariga baxsaday ayaa Saldhigga degmada Heliwaa dhaxdiisa Labo maalmood ka hor ku dilay Marxuum Abshir C.llaahi Axmed oo aan wali Meydkiisa la aasin waxayna Waalidiinta Marxuumka sheegeen in askariag uusan baxsan laakiin la sii daayay Islamarkaana aysan aasi doonin ilaa ay Cadaalad ka helaan
 
 
Liibaan Bulle
idilnews Muqdisho