Video:-Hay’ada Saado Ee ka Shaqeeysa horumarinta bulshadda Oo dhiirigalisay Dhalinyarada kismaayo

Hay’ada Saado oo ka Shaqeeysa horumarinta bulshadda ayaa maanta Magaaladda Kismaayo 50. Dhalinyaro ah oo laga soo xulay 5-ta xaafad ee Magaaladda tababar ku Saabsan mamulka iyo Maareynta oga furtay Hotel Kismaayo ee Magaaladda Kismaayo. iyadoona furitaanka tababarkaan ay ka soo qeyb Galeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Xilibaano ka tirsan Dowlad Goboledka Soomaaliyeed ee Jubbaland iyo Masuliyiinta Ururka Dhalinyarada.
 
Cali Cabdi Bootan oo ka mid ah masuliyiinta Hay’ada Saado oo ugu horeytii gobta ka hadlay ayaa Shegay inay ku dadaali doonan dhiiri gelinta dhalinyaradda iyo sidii loogu abuuri lahaa fursado shaqo.
 
Xildhibaan Cali Cabdi Waaxid Cali Xoog oo furitanka tababarkaan ka hadlay ayaa ammanay Hay ‘ada Saado iyo doorka ay ka qadaneyso horumarinta bulshadda Waxuuna dhalinyarada kula dardaarmay inay ka faa’iideystan waxbarashadda.
 
Ku simaha Wasiirka Wasarada Dhalinyarada iyo Ciyaraha Dowlad Goboledka Jubbaland Mudane Cabdi Waaxid Axmed Yare oo ugu danbeyntii furitanka tababarka ka hadlay ayaa Hay ‘ada Saado kula dar daarmay inay sii xoojiso juhdigga ay ku bixineyso horumarinta Bulshada reer Jubbaland,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka