Video:-Madaxweyne Farmaajo Oo gaaray Uganda lana kulmay Musafeni

Labada Madaxweyne waxa ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal, amniga gobolka iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay dowladda Uganda kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadatay nabad ilaalinta Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.
 
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa dhankiisa tilmaamay sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan Soomaaliya.
 
Madaxweyneyaasha labada dal, wax ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la dardar geliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, si meesha looga saaro khatarta ay ku hayaan deganaanshaha gobolka.
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa kulanka ku weheliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Yusuf-Garaad Cumar, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa, Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise, Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Sayid Axmed Sheekh Daahir, Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Ciidamada Sarreeye-Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo Lataliyaha Arrimaha Siyaasadda Dibadda,Balal Maxamed Cisman.
 
Madaxweynaha Farmaajo ayaa ku guda jira socdaal uu ku marayo dalalka Gobolka kaasoo sida la sheegay uu taageero ugu raadinayo qorshe uu wato oo ah in uu dalka kusoo rogo amar deg-deg ah dagaalna ku dhawaaqo.
 
Dhanka kale warar kale ayaa sheegaya in Madaxweynuhu safaradan ka dhigtay marmaarsiiyo uu iskaga qariyo waji gabaxyo isdaba joog ah oo kaga dhacay  gudaha dalka kuwaasoo ay ka mid ahaayeen qorshihisii ahaa kusoo rogida dalka Marshal Law iyo ku dhawaaqistii guluf xoog leh oo lagu qaado Alshabaab.
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa qorsuhu ahaa in uu ka qaybgalo caleema saarka Madaxweynaha Hir-Shabelle ee maanta ka dhacay Magaalada Jowhar,balse waa ka baaqsaday waxuuna taa badalkeeda ukicitimay socdaalo dalka dibadiisa ah.
 
Dawladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Dowlda dhexe ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa dhexyaala khilaaf xoog leh,hoos ka daawo muuqaalka kulnka Madaxweyne Farmaajo iyo Musafeni.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka