Video:-Madaxweyne Farmaajo Oo si diiran loogu soo dhaweeyay Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku marayay qaar ka mid ah wadamada dariska ah ayaa gaaray magaalada Addisababa ee dalka Itoobiya, Waxaana si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada AddiAbba Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Itoobiya iyo Masuuliyiin Kale.
 
Madaxwaynaha Dowlada Fadaraalka Soomaliya ayaa lakulmi doona Raiisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalen,iyagoo la filayo in ay kawada Hadli doonaan sidii loo dardar galinlahaa ladagaalanka Alshabaab.
Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Soomaliya ,ayaa lugtiisan uu ku marayo wadamada dariska ah ee ay Somaliya ka joogaan Ciidamadu waxuu ksuoo gabagabayn doonaa sida ana ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo Dalka Jabuuti waxuuna kula kulmi doonaa Madaxwayne ismaaciil Cumar geelle oo la filayo in ay  kawada hadli doonaan ladagaalanka Alshabaab iyo danaha labada dal.
Madaxweyne Farmaajo oo qorsuhu ahaa in uu ka qaybgalo caleema saarka Madaxweynaha Hir-Shabelle ee maanta ka dhacday Magaalada Jowhar,ayaa ka baaqsaday waxuuna taa badalkeeda ugu kicitimay socdaalo dalka dibadiisa ah.
Xogo hoose ayaa sheegaya in Madaxweynuhu safaradan ka dhigtay marmaarsiiyo uu iskaga qariyo waji gabaxyo isdaba joog ah oo kaga dhacay  gudaha dalka sida qorshihisii ahaa kusoo rogida dalka Marshal Law iyo ku dhawaaqistii guluf xoog leh oo lagu qaado Alshabaab.
Hoos ka daawo muuqaalka socdaalka Madaxweynaha ee Itoobiya oo faahfaahsan..

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka