Video:-Wasiirka warfaafinta Jubaland Oo beeniyay in uu is casilay

Wasiirka Wasarada Warfaafinta Isgaarsiinta iyo tagnoolajiyada Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Cabdi Nuur Cali Aadan oo la hadlayey Warbaahinta waxa uu sheegay wararka ah in uu is casilay inay yihiin been aan sal iyo raad midna lahayn.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay  in baraha bulshada  lagu faafiyo warar aan jirin labada Wasaarad ee Gadiidka iyo Wasaarada Warfaafinta in  lakala qaaday warqadihii been abuurkana timbaraha saarnaa  uu ahaa kii wasaradda Gaadiidka.

Wasiir Cabdi Nuur Cali Aadan ayaa ku tilmaamay qoraladii la soo galiyay baraha bulshada kuwo looga soo horjeedo xasiloonida iyo horumarka jubbaland.

Wasiirka Wasarada Warfaafinta Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdi Nuur Cali Aadan ayaa xusay in uu  Arimo Caafimaad ugu maqnaa Magaalada Nairobi ayna been abuur yihiin wararka sheegay in uu iscasilay.

Wasiirka Ayaa ka codsaday Laamaha Amniga Inay gacanta ku soo dhigaan  dadka been abuurka faafiyay  baraha bulshada waxa qaldan ku qora,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka