Bosaso:-Qarax ka fashilmay Alshabaab iyo Naftii haligihii waday Oo Naftiisa ku waayay

Qarax ayaa waxaa fuliyay nin naftiisa halige ah,iyadoo ay ku dhaawacmeen afar qof oo rayid ah iyo ninkii qaraxa fuliyay oo ku geeriyooday.
 
Qaraxa waxaa uu ka dhacay dhanka bidix ee saldhiga bartamaha Bosaaso, dadka waxyeelada soo gaartay ayaa ku ganacsanayay goob qaadka lagu iibiyo oo dhanka bidix ka xiga saldhigga Bartamaha Bosaaso.
 
Qaraxa ayaa naftii haliguhu waxuu ku waday Gaari gacan,kaasoo ku qarxay intii uusan gaarin goobtii qorshuhu ahaa in uu ku qarxiyo,iyadoo la filayo in uu bartilmaameedsanayay saldhiga Bartamaha Booliska Bosaso..
 
Laamaha amaanka Bosaso ayaa waday waayahan danbe hawlgalo ay ku adkaynayaan amaanka,waxaana qaraxan noqonayaa kii Afraad ee fashilma ee ay diyaariyaan kooxaha argagixisada ah.