Gudoomiyayaasha labada Aqal Ee Baarlamaanka Fadaraalka Oo soo gaaray Puntland

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada garoowe ayaa waxa goor dhoweyd si weyn loogu soo dhaweeyey Guddoomiyayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo halkaasi gaaray.
 
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jaawri iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi Waxaa ku wehliyay xildhibaano katirsan labada Gole ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
 
Waxaa ku soo dhaweyeey halkaasi madaxda Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada,iyadoo amaanka magaalada Garoowe siweyn loo adkeeyey.
 
Wefdigan waxaa uu ka qeybgali doonaa kulanka 40-aad ee kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo berri ka furmaya magaalada Garowe ee Caasimadda Dowlada Puntland.