Madaxweyne Farmaajo Oo gaaray Jabuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” oo socdaal ku maraya qaar ka mid ah wadamada Gobolka ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasumadda Jamhuuriyadda Jabuuti.
 
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Ambouli International Airport, musiiliyiin uu horkacaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.
 
Saacadaha soo socda waxaa kulan gaar ah yeelandoona Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo ay si qoto dheer uga hadli doonaan xiriirka walaaltinimmo ee labada dal iyo kaalinta Jabuuti dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
 
Madaxweynahe Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safark qaatay muddo 4-casho ah oo uu ku marayeey qaar ka mid ah wadamada Gobolka waxa uu ku soo gaba gabeeynayaa dalka Jabuuti.
 
Jabuuti waxeey ka mid tahay dalalka ay ciidamadu ka joogaan dalka Soomaaliya.