Roob lagu diirsaday oo maanta ku hooray Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobalada Dalka

Saacadihii la soo dhaafay ayaa Guud ahaan magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhaw dhaw waxaa ka hooray Roob ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada, waxaana ilaa hada ka da’ayaa Muqdisho iyo meelo kale.
 
Sidoo kale Roobka ayaa ka da’aya qaar ka mid ah Gobalada Dalka, sida Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoose iyo Galgaduud waxa uuna Roobka ku soo beegmaya xili Dadka iyo duunyada ku nool deegaanada Gobolkaasi ay baahi-weyn u qabeen iyadoo ay Gobolka Galguduud uu ka mid ahaa deegaanada ay saamaynta xun ku yeelatay abaarta ka jirta inta badan Dalka.
 
Maalmihii lasoo dhaafay deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Galguduud ayaa waxaa ka socday Salaado roob doon ah oo ilaahay looga baryayay in uu ka dul qaado xaalada abaareed.