Video:-Ciyaaratoyda Kubada Cagta Ee Deegaamada Jubaland Oo kor loo qaadayo tayadooda

Wasiirka Waasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa agab isboorti kuwareejiyay Gudoomiyaha Deegaanka Goobweyn.
 
Goobta lagu wareejinayay Agabka,ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Wasaradda isboortiga xiriirka ciyaaraha fudud ee Jubbaland.
 
Gudoomiyaha Deegaanka Goobweyn,iyo qaar kamid ah masuuliyiinta kooxaha isboortiga deegaankaasayaa Agabkan kala wareegay,Wasiirka Wasaarada ciyaaraha Jubbaland mudane Cabdiwaaxid Axmed Yare.
 
Goobta lagu wareejinayay Agabka waxaa kaloo goob joog ka ahaa Agaasimaha Wasaradda isboortiga xiriirka ciyaaraha fudud ee Jubbaland.
 
Agabkan oo ka koobnaa Dharka lagu ciyaaro ee maaliyadaha kooxaha iyo 10-xabo kubadda cagta ah,ayaa loogu tala galay 2-da kooxood ee kadhisan Deegaanka Goobweyn,
 
ku-simaha Wasiirka ayaa shegay ka Wasaarad ahaan in ay ka go’antahay horumarinta dhanka ciyaaraha Jubaland.sidoo kale Gudoomiyaha Deegaanka Goobweyn Cumar Cabdulaahi Maxamed (Cumar Huroow) ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay Agabkan ay gudoonsiyeen Wasaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Jubbaland .
 
Wasarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubaland,ayaa waday mudoooyinkii udambeeyey qorsheyaal lagu hormarinyao ciyaaraha kala duwan ee jubbaland,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka