Video:-Wasaarada Awqaafta Fadaralaak iyo Wasaarada Awqaafta Jubaland Oo tababar ku qabtay Kismaayo

Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Dowlada Federaalka Soomaaliya,ayaa maanta tababar ku saabsan badbaadinta qoyska ka furtay Magalada Kismaayo.
 
Tabarkaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arimmaha Diinta Dowlada Fadaraalka Soomaaliya,
 
Dhanka Jubaland ayaa waxaa kasooq aybagalay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka Awqaafta iyo Arimmaha Diinta Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbland.
 
Wasaarada Awqaafta ayaa tababaradan oo kale horay oga soo qabatay meelo kaal duwan oo dalka ka mid ah,iyadoo looga gol leeyahay kor uqaadida wacyiga Bulshada iyo Culumada e dhibaatoyinka Furiinka iyo Gudniinka fircooniga ah.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka Awqaafta iyo Arimmaha Diinta Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbland Mudane Aadan Inshaar oo ka hadlay madasha tababarku ka socday,ayaa ka warbixiyay dhibaatoyinka ay leeyihiin Furiinka qoysaska Soomaaliyeed ee soo badanaya iyo Gudniinka fircooniga ah ee khatarta ku ah caafimaadka Hooyada.hoos ak daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka