Ciidamada Jubaland Oo guul ka gaaray dagaalkii goor dhawayd ay ku qaadeen Alshabaab

Ciidamadda Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa guulo ka gaaray dagaal goor dhaweyd ka dhacay Deegaanka Wirkoy ee Duleedka Magaalada Kismaayo .
 
Ciidamadda Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa weeraray goob fariisin u ah Kooxda Nabaddiidka ah ee Al shabaab waxayna goobtaas ku dileen ku 5-ka mid ah maleeshiyaadka Al Shabaab,sidoo kale waxay Alshabaab uga gubeen hal Gaari oo nooca dagaalka ah ee loo yaqaan Tiknikada.
Weerarkan ayaa waxaa iska kaashaday ciidamadda Daraawishta Jubaland iyo ciidamadda Xoogga Dalka Soomaayiya Qeybta 43-aad ee Jubbaland.
 
 
Wixii ka soo kordha Goor dhow dagaalkaas kala soco wararkayaga danbe.