MAXAA KA SOCDA VILLA SOOMAALIYA?..

MAXAA KA SOCDA VILLA SOOMAALIYA?..
 
 
Dadka aadka u yaqaan Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay ku wada xaqiijinayaan inuu yahay shaqsi dabeecad fiican, niyad wanaagsan, jecel dabacsanaan iyo ixtiraam badan inuu u muujiyo dadka oo idil laakiinse arrintaas kama dhigna inuu yahay ninka ugu habboon hoggaaminta dal sida Soomaaliya u burburay noqdayna fagaare adduun wayne oo dhan ku hardamayaan, hoggaanka wadanka noocaas oo kale ah wuxuu u baahanyahay nin aragti fog culaysyada faraha badanna dusha u ridan kara, isagoo isla markaasna leh awood adkaysi iyo xeeladaysi uu ku dhaafi karo isrogroga mowjadaha iyo duufaanta siyaasadeed ee ku gadaaman wadankaan mudada la tiicayay fawdada iyo dowlad la’aanta.
Haatan waxaa caddaatay Madaxwaynaha inaysan talo gacan ugu jirin, jileeciisa waxaa si fiican uga faa’iidaystay koox dhalinyara ah oo aan bisayl siyaasadeed lahayn kuwaas oo xilligii doorashadiisii gacan iyo abaal ku yeeshay soo saaristiisii.
 
Siddeed bilood uu madaxtinimada dalka hayay waxaa muuqata in wadanka wali lugta saari la’yahay dhabbadii lagu naaloonayay; haddii laga reebo xoogaa isbadal ah oo dhanka amniga Muqdisho laga dareemay dhoor bilood oo shaqada fiican la galiyay awgeed, laakiin taas waxaa isku fuuqsaday qarixii waynaa ee Zoobe.
 
Dhacdadaas xanuunka badan kadib oo ay ku naf waayeen 400 oo qof iyo dhaawac intaas ka badan waxay dabooshay xoogaagii yaraa ee horumarka amniga dowladda ku sheegi jirtay waxayna marada ka feedday heerka itaaldarrida iyo habacsanaanta laamaha amniga iyo feejignaan la’aantooda.
 
Waxaa nasiib darro ah kooxda Farmaajo ku dhow inay u arkaan dhacdadaas fursad ay dib ugu soo noolayn karaan humaagii beenta ahaa iyo dhalanteedkii bulshada masaakiinta ahaa laga iibiyay, waxay gaartay heer ay ku fakaraan inay wadanka xaalad degdeg ah gashaan si ay ugu fududaato afduubidda go’aanka siyaasadeed ee wadanka isla markaasna ay caburin iyo kaligiitalisnimo wadanka dib loogu cesho meeshii ay ka raadin lahaayeen waxa khaldamay iyo meesha looga soo dhacay, si isla xisaabtan iyo dabagalna loogu samayn lahaa dadkii falka ka dambeeyay iyo kuwii fududeeyay intaba.
 
Waxaa soo ifbaxaysa in masuuliinta qaar ay isku qabqabsanayaan kala jiidashada anficii yaraa ee Soomaalida iyo adduunwaynaha ugu deeqeen dhibanayaasha xasuuqii 14tii October, waxaa madaxda qaar ku mashquulsantahay inay dawooyinka, dhaqaalaha iyo fiisooyinka dadkii qaraxaas ku dhacay loogu talagalay intay hareer mariyaan dadkii mudnaa bukaan kale oo ay iyaga ehelo yihiin uga faa’iideenayaan iyo dad aanba mudnayn.
 
Kooxda Farmaajo oo ay dad badani u yaqaanaan (dawaco maqiiqan) ama (ciyaal saliid) waxay ka midaysanyihiin shakhsiyaad liidasho iyo damiir xumaan, federal nacayb iyo cuqdad wayn oo ay ka qabaan qabiilooyinka waawayn qaar ka mid ah sida Habargidir iyo Majeerteen oo ay u arkaan waajib in siyaasadda Soomaaliya laga fogeeyo.
 
Dadaalka mintidnimada ah oo ay ugu jiraan inay xaaf kaga tuuraan hogaanka Galmudug waxaa sabab u ah iyagoo fahansan in oday Xaaf yahay nin adag oo wax meel marsan kara oo sidii ciyaalkii aysan wax ugu yeerin karaynin, iyagoo qorshahaas mid la mid ah ka wada deegaannada hoostaga maamul goboleedyada kale ee dalka.
 
Dhagarta Fahad Yaasiin iyo wiilasha yaryar ee uu marin habaabinayo waa mid Soomaali ka tuuri doonta bohol wayn oo ay adkaan doonto sidii mar dambe looga soo bixin lahaa, iyadoo habdhaqankoodii 8-dii bilood ee la soo dhaafay laga arki karo qaangaarnima la’aanta siyaasadooda.
 
Tusaale ahaan waxay qorsheenayaan inay Puntland sanad kadib ka sameeyaan hoggaan iyaga la midab ah iyagoo durbadiiba u xil saaray rag uu ka mid yahay Siciid Xuseen Ciid tiftifidda iyo xanraadinta dadka ku soo bixi kara kursigaas iyo soo gudbinta sida wax u socdaan.
 
Siciid oo hadda wasiirka beeraha DF, waxay Fahad iyo rag badan oo kooxda ku tirsan ku wada jireen dagaalkii saliid oo waliba lugta midig ayuu kaga dhaawacmay ka hor intaan laga adkaan kooxdiisa al itixaad ee mayalka adkayd, wuxuu kooxda kala midyahay nacaybka xad dhaafka ah ee uu u qabo jifada Maxamuud Saleebaan oo ay ku abtirsadaan madax badan oo soo martay Somaaliya iyo dowlad Puntland, xiriirradii badnaa uu samaystay xilligii uu shirkadda Golis Bosaso iyo rugta ganacsiga Puntland joogay waxay u ogolaanaysaa inuu warar badan iyo dhagadhagayn u keeni karo Cabdirisaaq Shoole iyo Jaamac Caydiid oo ah raga faraha ku haya barnaamijka doorashada soo socoto ee Puntland.
 
Waxaa xusid mudan in jifada reer Diini ee Qabiilka Mareexaan oo uu ka soo jeedo madaxwayne Farmaajo laftirkiisa aysan jirin jifi kale oo Mareexaan ah oo ku tarraxda qabashada jagooyinka sarsare ee siyaasadeed beesha dhexdeeda (siyaad barre, Farmaajo, Saacid shirdoon, cabdi wali sheikh,Barre hiiraale..) dhamaantood waxay ku wada abtirsadaan isla jifidaas, iyadoo kooxda aysan marnaba arrintaas walaac ka muujinin.
 
Isbadalka ay soomaaliya u baahantahay ma noqon karo reer lugu badalo reer kale ee waxay u baahantahay in la saxo hannaanka siyaasadeed si qof walba uu u helo fursad la siman kan kale, taasaana cadaaladda u dhow umadana deeqi karta.
 
 
 
 
WQ,Cabdi Axmed Cali.