Muqdisho:-Iska hor imaad dhexmaray Ciidamo kawada tirsan Dowlada Fadaraalka

Iska hor imaad khasaare geystay ayaa galabta ka dhacay xaafada Seben seben oo ka tirsan degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho kaasoo dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowlada.

Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadkan uu yimid ka dib markii la isku qabsaday dhul dowladeed oo halkaas ku yaalla kaasoo keenay in ciidamadu ay rasaas isku furaan.

Ugu yaraan labo ruux oo kala ahaa haweeney iyo wiil yar ayaa ku dhintay halka qof kalena uu ku dhaawacmay kuwaasoo dhamaantood ka dhawaa goobta uu iska horimaadku ka dhacay.

Ciidamo kale oo ka tirsan dowlada iyo saraakiil ayaa goobta ka gaaray kuwaasoo kala dhex galay ciidamada dagaalamay, xaaladana qaboojiyey.

Shaqaaqooyinka noocan ah ee dhexmara ciidamada dowlada ayaa had iyo jeer ka dhacay magaalooyinka ay joogaan ciidamada dowlada, waxaana inta badan khasaare nafeed uu ka soo gaara shacabka halkaas ka dhow.