Ra’isalwasaare khayre Oo u dhoofay dalka Turkiga

Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre iyo Xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada ayaa maanta u amba-baxay magaalada Ankara ee Caasimadda Dalka Turkiga.
 
Ra’iisal Wasaaraha ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Turkiga sida ay shaaciyeen Mas’uuliyiinta Shaqaale ka tirsan Xafiiskiisa waxaana la filayaa in uu kulamo la soo qaato Madaxda Wadankaasi.
 
Ra’iisal wasaare Kheyrre ayaa kulan gaar ah la qaadan doona Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, iyadoo ay ka wada hadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay Soomaaliya.