Dhagayso:-Taariikh Nololeedkii Jeneral M.Abshir Habaan Oo Minneapolis ku geeriyooday

Alla ha u naxarariistee, waxaa shalay magaalada Minneapolis ee dalkan Mareykanka ku geeriyooday Jeneraal Maxamed Abshir Muse oo loo yaqaanay Haamaan, kana mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee ciidanka booliska Soomaaliyeed,

Maxamed Abshir wuxuu dhashay sanadkii 1926, wuxuuna tababarkiisa ciidan kusoo qaatey dalka Taliyaaniga, isagoo dhalinyaro ah kahor inta uusan ku biirin ciidamada difaaca (Somali Defence forces).

1960 Allah ha u naxariistee Abshir Muuse waxuu noqday Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya oo 9 sano uu ahaa, kahor inta uusan Jeneraal Maxamed Siyaad Barre afgenbiga kula wareegin talada dalka.

Abshir Muuse oo darajada Jeneraalka ka gaarey Ciidamada ayaa iska-casilay xilka Taliyaha Booliska 1960 kahor doorashadii Madaxweynaha oo xilligaasi, isagoo kasoo horjeestay hanaanka doorashada.

Maxamed Siyaad Barre ayaa xabsiga dhigay Maxamed Abshir mudo 10 sano ayuuna maxbuus u ahaa, kadib markii uu sii aad ah u mucaaraday nidaamkiisa kaligii-taliska ahaa.

AHN Maxamad Abshir ayaa kamid noqdey inta aysan burburin Dowladii Soomaaliya siyaasiyiin hore iyo kuwa cusub ( Manifesto) oo waraaq u qorey AHN Maxamad Siyaasad Barre kuwasoo ugu baaqey in xilka isaga Dago madaama dalku khatar ugu jiro inuu buburo.

Jeneraal Maxamed Abshir markii uu xabsiga laga soo daayay kadib islamarkaana uu dhacey dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya wuxuu noqday hogaamiyaha siyaasadda Jabhaddii SSDF, oo xilligaasi garabkeeda ciidmada uu madax ka ahaa marxuum Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf intii u dhaxaysay 1991 illaa 1998,hoos ka dhagayso codka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka oo faahfaahfasan