Maamulka D/ Wadajir oo amaro culus dul dhigay Qaar ka mid ah Ganacsatada Isgoyska Zoobe.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Sheekh Cumar C/laahi Xasan oo Warbaahinta kulahadlay isgooska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa amaro cusub dul dhigay ganacsatada yar yar ee ku ganacsata hareeraha  Isgoyska Soobe oo 14 bishan uu qarax ka dhacay Isgooskaas.
 
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ayaa waxaa uu sheegay in Shidaal lagu iibin karin hareeraha laamiga Zoobe, islamarkaana  Qaadka lagu iibin karin hareeraha  laamiga Isgoska Zoobe.
 
Waxaa uu sheegay gudoomiyaha degmada wadajir inay muhiim tahay in ganacsatada ay u hogaansamaan Amarka uu soo saaray Maamulka degmada,isagoona Sheegay in Cidii u hogaasami weyso amarka ay soo saareen maamulka degmada wadajir ay Tilaabo Adag ka qaadi doonaan.
 
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ganacsada dhibaato badan uu ka soo gaaray masiibadii dhawaan ka dhacay isgooska Zoobe ee Magaalada Muqdisho,Waxaa uuna ku baaqay in Ganacsada ay la shaqeeyaan Maamulka Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir.
 
Hadalka Gudoomiyaha Degmada wadajir ee Gobalka Banaadir ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili 14 Bishan uu qarax dad badan ay ku dhinteen uu ka dhacay isgooska Zoobe ee Magaalada Muqdisho,Iyadoona Saameynta ugu badan uu ka soo gaaray Ganacsada ku ganacsanayay hareeraha laamiga isgooska Zoobe.
 
Hayeeshee Masiibadii ka dhacday isgooska Zoobe ee Magaalada muqdisho 14 bishan ayaanu weli maskaxdooda ka go’in shacabka soomaaliyeed,iyadoona Arintaasi ay Raad Reeb ku noqoto,inkastoo ay xusid mudan tahay in dhibaatadii ka dhacay isgooskii Zoobe kadib ay dowlada Soomaaliya ku dhawaaqday inay dagaal ku qaadi doono deegaanada ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.