Madaxtooyada Puntland Oo Tacsi ka dirtay Geerida Jeneral M.Abshir Muuse

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isagoo kuhadlaya Magaciisa, dhammaan Magaca goleyaasha Dawladda iyo Shacab weynaha Puntland Tacsi u diray dhammaan Qoyska iyo Eheladii Allaah ha u naxariistee Marxuun General Maxamed Abshir Muuse oo ahaa Taliyihii ugu horeeyey Ciidanka Booliska Soomaaliya, oo ku geeriyoodey Dalka Maraykanka.

Marxuun Maxamed Abshir Muuse ayaa sidoo kale ka mid ahaa Asaasayaashii Puntland iyoTaliyihii SSDF intii u dhaxaysay 1991-1998

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sigaar ah ugu Tacsiyeeyay shacabka Puntland iyo ReerAbshir Muuse, wuxuuna Allaah uga baryey Inuu kawaraab iyo Jannadii Fardawso Marxuun. General Maxamed Abshir darisna uga dhigo Suubbanihii Rasuulkeennii CSW