Ururka SOMA oo ka hadlay geerida Wariye Jacfar Cali Daacad

Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (Somali Media Association SOMA) oo ah Urur ay ku mideysan yihiin Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta dalka ayaa wuxuu ka hadlay geerida Wariye Jacfar Cali Daacad, kaasi oo ka tirsanaa Raadiyaha Dayax oo ku yaalla degmada Afgooye.
 
Wariye Jacfar Cali Daacad, ayaa ka mid noqday Toban ruux oo rayid ah oo ku dhintay weerarkii shalay ay Shabaabku ku qaadeen kolonyo ay la socdeen Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, xilli ay marayeen agagaarka Carbiska, Rayidka dhintay waxaa ku jiray Arday.
 
Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo ah Xoghayaha Warbaahinta Soomaaliyeed ee (SOMA) oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in ay cambaareynayaan dilka Wariyaha, oo uu sheegay inuu noqonayo Suxufigii 4-aad ee sanadkan oo keliya lagu dilo gudaha Soomaaliya.
 
Xoghayaha (SOMA) ayaa tacsi u diray dhammaan Ehelada, Maamulka iyo Shaqaalaha Radio Dayax iyo Asxaabta uu ka geeryooday Wariye Jacfar Cali Daacad, oo Da’diisa lagu qiyaasay 29 sano jir.
 
“Alle ha u naxariisto Wariye Jacfar Cali Daacad, waxay aheyd geeri naxdin leh, Dowladda Federaalka iyo Saraakiisha AMISOM waxaan ka dalbaneynaa in ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan dilka Wariyaha.” Ayuu yiri Ismaaciil Sheekh Khaliifa.
 
Wariyaha oo ka hawlgeli jiray Radio Dayax ee Degmada Afgooye, ayaa la sheegay in rasaastu ka haleeshay madaxa, iyadoona dhaawaciisa la keenay Isbitaalka Madiina, oo kolkii dambe uu ugu geeriyooday.
 
Wariyaha oo meydkiisa loo qaaday Degmada Afgooye, ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii lagu aasay degmadaasi, Geeridiisu waxay saamayn ku yeelatay hawlwadeenada Idaacadda iyo weliba barnaamijyadii Idaacadda ka bixi jiray.
 
Soomaaliya waxaa la’ogyahay in ay ka mid tahay dalalka ugu halista badan dunida, ee uu Wariye ka hawlgeli karo.