Video:-Nabadoonada Jubaland Oo tababar loogu qabtay magaalada Kismaayo

Qaar kamida odayaaasha dhaqanka iyo nabadoono ku dhaqan magalada kismaayo ayaa waxa tababar uqabatay wasaarada arimaha gudaha ee dawlad goboleedka soomaliyeed ee jubba land.
 
Waxa uu kusaabsana tababrkaan lana baraye odayashaa dhaqanka nabada iyo isdhexgalka bulshada iyo sidoo kale xalinta khilaafyada.
 
Tababarkan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha Jubbaland,Gudoomiyaha Degmada Kismaayo,Agaasimaha arimaha bulshada ee Gobolka iyo odayaal dhaqameed.
 
Tababarkan ayaa lagu barayey Odayaasha dhaqanka iyo Nabadoonada nabada,isdhex galka bulshada,iyo xalinta khilaafyada waxuuna socon doonaa mudo 3-cisho ah.
 
Gudomaiyaha Degmada Kismaayo iyo Agaasimaha arimaha bulshada ee Gobolka oo tababarkan furay ayaa ka warbixiyay muhiimada uu tababarkan uleeyahay odayaasha dhaqanka waxayna xuseen oo mahad naq balaaran usoo jeediyeen in odayaasha iyo Nabadoonada Gobolka ay yihin kuwa ka qayb qaata nabada iyo xalinta khilaafyada,
 
Agaasimaha Wasaarada arimaha gudaha oo tababarka qayb ka ahaa,ayaa dhankiisa ku dheeraaday nabada iyo isdhexgalka bulshada faa”idada ay uleedahay, sidoo kale agaasimaha ayaa sheegay in wasaarada Arimaha Gudaha uu qorshe uga degan yahay barnaamijkaas.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka