Wasaarada arimaha dibada Fadaraalka Somaliya oo badashay sideed Safiir

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowlada Fadaraalaka Soomaaliya ayaa is bedel ku sameeyay Safiirada illaa 8 dal oo bishii hore loogu yeeray inay dalka ku yimaadaan muddo 30 cisho ah, si isbedel loogu sameeyo.
 
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah is bedelo la doonayo in lagu sameeyo Safiiro muddo xil heyntooda ay dheeraatay, waxaana wajiga hore la bedelay illaa 8 Safiir oo kala ah, Jabuuti, China, Uganda, Sudan, Kuwait, Qatar, Abu Dhabi iyo Zambia.
 
8 Safiir ayaa lagu bedelay illaa 8 Diblomaasi oo si hayeyaal ah oo midkood uu yahay Agaasime Waaxeed ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo si KMG u heyn doona xilka Safaaradda Soomaaliya ee Lusaka Zambia.
 
Waxaa sidoo kale Safaaradaha China, Jabuuti, Abu Dhabi, Kuwait, Qatar iyo Uganda Sii hayeyaal ka noqda Diblomaasiyiintii hayay xilalka La Taliyaha Koowaad, taas oo ka dhigan in loo eegay habka kala sareynta Diblomaasiyadda.
Halkan hoose ka akhriso wareegatada:-