Ra’iisulwasaare ku xigeenka Australia oo xilka laga xayuubiyay

Ra’iisulwasaare ku xigeenka Australia, Barnaby Joyce iyo afar siyaasi oo kale ayaa si khalad ah loo doortay maadaama oo ay haysteen labo dhalasho, sida ay go’aamisay maxkamadda sare.
 
Go’aanka maxkamadda sare ee Australia ayaa ka dhigan in saddex siyaasi oo uu ku jiro Joyce xilalkii ay hayeen uu khaldanaa. Kuwa kale bishii Luulyo ayay is casileen.
Shaqo ka tagitaanka Joyce ayaa liicliicinaysa dawladda aqlabiyadda halka kursi ah haysatay, waxaase laga yaabaa in uu ku soo laabto doorasho ku celis ah.
 
Ra’iisulwasaare ku xigeenka ayaa ka tanaasulay dhalashadiisa New Zealand bishii Agoosto wuxuuna sheegay in uu dib isugu soo sharixi doono kursigiisa aqalka hoose.
 
“Waan ixtiraamayaa go’aanka maxkamadda” ayuu yiri Joyce sidaadii ay maxkamaddu go’aanka u gaartayba.
Jinsiyadda labada dal ah ayaa haraysay siyaasadda Australia tan iyo bishii July, taas oo horseeday in xildhibaanno badan ay fagaareyaasha ka sheegaan jinsiyadooda.