Video:-Wararkii ugu danbeeyay Ee doorashada Kenya

Guddiga doorashada Kenya ayaa sheegay in 6.5 milyan oo qof, ama saddex meelood meel dadka u diiwaan gashan inay codeeyaan, ay codkooda ka dhiibteen doorashadii shalay dalkaas ka dhacday.

Waxaa jiray mudaaharaadyo iyo rabshado mucaaradka ay ka sameeyeen qaar ka mid ah goobaha doorashada. Ugu yaraan laba qof ayaa toogasho lagu dilay markii ay isku dhaceen dibadbaxayaal iyo booliska.

Doorashadan ayaa ahayd isku daygii labaad oo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku doonayo in dib loogu doorto. Maxkamadda sare ee dalkaas ayaa nasakhday doorashadii dhacday sideeddii August ee uu Kenyatta ku guuleystay kadib markii ay sheetay in qaladaad ay ka dhaceen.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa qaadacay doorashadii shalay, isaga oo sidoo kalena u sheegay taageerayaashiisa inaysan codeyn.

Inkasta oo inta badan goobaha codbixinta ay ahaayeen kuwa nabdoon, haddana meelaha qaar ayaa rabashado ay ka dhaceen, halka gooba qaarna aanba la furin.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya Wafula Chebukati ayaa ku dhawaaqay in goobaha codbixinta ee aan sababo amni dartood loo furin, laga codeyn doono maalinta sabtida ah,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka