Kooxda Fahad Yaasiin Oo wali wada qorshihii maja xaabinta dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka

Warar laga helayo ilo lagu kalsoonaan karo,ayaa sheegaya qorshe xasaasi ah oo ay bilowday Madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaana ay dajiyeen Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin Daahir, Saaxiibadiisa Siyaasadeed, Madaxweyne Farmaajo oo aan fahamsaneyn xaaladda taagan iyo Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana qorshahan uu yahay mid halis galinaya daganaanshaha siyaasadeed ee dalka.
 
Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa socday wax u muuqday isku day abaabul dagaal ka dhan ah kooxda alshabaab.
 
 
Madaxweyne farmaajo ayaa tuute xirtey sheegayna inuu Afgooye saldhigan doono si uu dagaalka u hogaamiyo in kastoo uu markii danbe Uganda u dhoofay.
 
Agaasimihiisa Madaxtooyada Fahad Yasiin iyo Raisul wasaare kheyre ayaa aaminsan in dagaal lagu qaado shabaab xilligaan ay ka horreyso in xal loo helo Mucaaradka ay hormuudka ka yihiin maamul goboleed yada iyo siyaasiyiin hore.
 
Fahad Yasiin oo madaxtooyada Villa Somalia kula shiray la taliye yasha Farmaajo maalintiitodobaadkii hore ayaa u sheegay in ay waqti lumis tahay in lagu mashquulo dagaal Shabaab lala galo xilligan, ayna tahay in la qaado weerar lagu qaado dawlad gobaleedyada dalka, oo u arkayo kuwa ka hor imaan kara fikradaha guracan ee Faderaal-diidka ah.
 
Dhanka kale waxaa uu tilmaamay in ay socdaan qorsheyaal maamul goboleedyada fallaagada noqday lagu hooskeenayo Villa Somalia, waa sida uu isaggu aaaminsan yahaye, Wuxuusheegay in ay jiraan Cadow Soke iyo mid Fog. Cadawga Soke ayuu Fahad ku sheegay In ay yihiin Mucaaradka iyo Dawladdaha xubnaha ka ah dawladda faderaalka ee Soomaaliya.
 
 
Fahad aya ka soo qeyb galayaasha u sheegay in nidaamka federaalismku uu kun jeer ka khatar badanyahay Alshabaab uuna yahay fikrada shisheeye oo loo sameeyey si aysan Soomaaliya weligeed dowlada u yeelan, waana fikraddii uu horey Fahad Yaasiin uga qoray maqaalada badan, ugana gaday dawladda Qadar.
 
Madaxweyne Farmaajo ayuu Sheegay inuu og yahay in sida keliya ee uu taariikhda Soomaaliya baal dahab ah uga geli karo ay tahay in uu nidaamkan Federaalka ka takhaluso.
 
Wasiirka koowaad ee dalka Kheyre oo xildhibaano ay isku aragti yihhin la kulmay ayaa sheegay in ay dejiyeen qorshe ugu yaraan 3 kamid ah madaxda maamul goboleedyada looga takhlusayo ka hor sanad guurada koobaad doorashada madaxweynaha ee 8 febraayo 2018.
 
Shirka ay isugu yeereen 28 bishaan madaxda maamul goboleedyada ayuu sheegay in ay labou jeedo ka leeyihiin.
 
in ay beesha caalamka tusiyaan in aysan colaad u qabin madaxda Gobolada
in inta shirku socdo ay ka shaqeystaan ayna ridaan qaar ka mid ah madaxweynayaasha iyadoo fulinta qorshahaasina uu dhameystiran yahay sida uu sheegay.
Galmudug ayaa loo diray Liibaan Shuluq oo hub iyo sanaad Ciidan sita Cadaado. Waxaa kaloo la socda xildhibaano Galmudug ah iyadoo ay dagaalka hagayaan Fahad Yaasiin iyo Kheyre oo adeegsanaya Axmad Qoorqoor, Dhagdheer, Saciid Nuur Gariish, Abtidoon Yare iyo Ugaas Dhegeey.
 
Sidaas oo kale maanta ayay ahayd in loo duuliyo Sadex diyaaradood Baydhabo, waxaana lagu bixiyey Aduun gaaraya 2.5 Malyan oo Dollar, si loola dagaalamo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana kala yihiin xubnaha kala hogaaminaya qorshahan guracan.
 
Diyaarada Koowaad ayaa hogaaminaya Wasiirkii hore ee Maaliyada DF Soomaaliya Fargeeti, halka diyaarada labaad uu hogaaminayo Wasiir Abdirisaaq, waxaa kaloo jira diyaarad kale oo sedexaad uu hogaamiyanyo Xildhibaan C/fitaax Geeseey.
 
Ujeedadan ayaa ah in xilka laga qaado Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo ka guuleystay dhawaan qorshe laga soo abaabulay magaalada Muqdisho, kaas oo ahayd in uu dhaco 16-kii bishan, balse dhabarka laga jabiyey.
 
Madaxweyne Shariif Xasan iyo Xaaf ayaa la rabaa in laga takhaluso inta uu socdo shirka Dawlada iyo Maamul Goboleedyada ee Muqdisho, taasina waa dhagar weyn oo kale.
 
Fikradaha iyo falalka qar iska xoorka ah ee Madaxtooyada Soomaaliya ka soo bur-qanaya ayaa ah kuwa daganaanshaha dalka meel dheer lagu ridayo, waxaana shaki saarneyn in haddii ay isku dayaan qorshahan ay wax kale noqon doonto xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.
 
 
 
WD.Faarax Cabdiqaadir Geylan