Video:-Madaxweynaha dawladda Puntland iyo Wefti uu hogaaminayo oo Maanta Safar Ugu Ambabaxay Magaalada Muqdisho.

Maxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 28 october 2017 safar shaqo ugu ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimadda dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxwaynaha iyo weftgiisa ayaa kahor intaanay ka anbabixin garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Kanooko ayaa waxaa kusii sagootiyay gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo madax katirsan golayaasha dawladda Puntland, saraakiiisha ciidamada iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland ayaa magaalada Muqdisho u anbabaxay kadib markii uu marti qaad rasmi ah kahelay Madaxwaynaha Dawladda Federaalka ee Soomaliya Madaxwayne Farmaaajo, waxaana madaxwaynaha Dawladda Puntland safarkiisa kuwehelinayey Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Puntland Cabdixamiid Shiikh Cabdisalaan, Wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiil katisan Madaxtooyada Dawladda Puntland .

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed ali Gaas oo kahor inta aanu anbabixin warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha ayaa isaga oo kawarbixinaya safarkiisa maanta uu ugu anbabaxay Muqdisho waxaa uu yiri

”Waxaan maanta u anbabaxayaa Magaalada Muqdisho, Xamar oo aan kaga qayb gelayno shir ay isugu imanayaan Madaxda Federaalka iyo madaxda Dawladdaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka oo lagaga hadlayo arimo kusaabsan Nabadgelyada, Amniga iyo Wada shaqaynta, shirkani waa shirkii uu kubaaqay Madaxwaynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Waxaan rajaynayaa inshaa alaahu in shirkaasi guul kusoo dhammaado Afgarad, wanaag, horumar iyo wadajir Soomaaliyeedna uu kasoo baxo”

Ugu danbayn, Madaxwaynaha Dawladda Puntland DR. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maalmahan fooda inaku soo haya kusugnaan doona magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kaga qaybgeli doono shirka wadatashiga Madaxda Qaranka, shirkaas oo Madaxwaynaha Dawladda Federaalka soomaliya uu Gogoshiisa dhigay dhammaana ay kasoo qaybgeli doonaan Madaxda Maamul Goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeele.

–DHAMMAAD– 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka