Madaxweyne Axmed Madoobe Oo gaaray Muqdisho kana hadlay shirka loo balansan yahay

Madaxweynaha Jubbaland oo rajo wanaagsan ka muujiyay shirka Madaxda Soomaalida uga furmaya Muqdisho.
 
Kismaayo, 28, Oct, 2017,idilnews… Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Muqdisho.
 
Madaxweynaha iyo waftigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Fadaraalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxaa iyo Masuuliyiin kale.
 
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in Safarkan ay kaga jawaabayaan casuumadii uu madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah u sameeyay Madaxweyne Farmaajo isla markaana uu rajaynayo in wax wanaagsan ay kasoo baxaan.
 
Arimaha lagu kala aragtida duwan yahay ayuu Madaxweynahu sheegay in ay muhiim tahay in wada hadal lagu dhameeyo si ay horay ugu sii socoto soo kabashada dalka.
 
Bulshada ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in aysan ku kadsoomin wararka been abuurka ah ee dadka lagu niyad jabinayo isagoo sheegay in Soomaaliya ay meel wanaagsan iyo Mustaqbal wanaagsan ku socoto hadii wax lagu kala aragti duwanaadana aysan micnaheeda ahayn in lakala tagay.