Maxamed Saleebaan Diiriye Oo loo magacaabay Gudoomiyaha Degmada Bursaalax Ee Gobolka Mudug

SOO DHAWAYN, HAMBALYAYN & MAHADNAQ KU SAABSAN MAGACAABITAANKA GUDOOMIYAHA DEGMADA BURSAALAX

Waxaan u hanbalyaynayaa Gudoomiyaha cusub ee Degmada Bursaalax Maxamed Saleebaan Diiriye Abaar.

WAA KUMA GUDOOMIYAHA CUSUB?

Maxamed Saleebaan waa ah:

1-Dhalinyaro aqoonyahan ah
2-Dad wadasho & daacadnimo ku sifoobay
3-Karti iyo Hufnaan lagu yaqaan
4-Kasoo shaqeeyey Waxbarashada Gobolka Mudug, una ahaa wakiilka Waxbarashada ee Hay’adda EDC ee Gobolka Mudug
5- Wuxuuna Maxamed si xoogan uga soo shaqeeyey arimaha horumarinta Gobolka Mudug iyo gaar ahaan Degmada Bursaalax.

SOO DHAWAYN & HAMBALYEYN GUDOOMIYAHA CUSUB

Waxaan filayaa inuu wax wayn ka qaban doono Degmada cusub ee Bursaalax una horseedi doono horumar lagu diirsado, waana ugu hambalyeynayaa Állahna waxaan uga baryayaa inuu u fududeeyo Amiin.

MAHADNAQ MAXADAXWEYNE DR GAAS

Madaxweyne Dr Gaas waan uga mahadnaqayaa kuna bogaadinayaa inuu Degmada usoo xulay Gudoomiye u qalma kana bixi kara xilkaas.