Shirkii madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka iyo dowlada dhexe oo baaqday maanta

Waxaa maanta baaqday shirkii wada tashiga ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Dowlada dhexe.
 
Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Soomaaliya,ayaa todobaadkii hore sheegay shirka u dhaxeeya madaxda dowlada iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah uu Muqdisho ka furmi doono 28-Octobar oo maanta ku beegan inkastoo uu dib u dhacay.
 
Baaqashada shirka ee maanta ayaa waxaa lagu micneeyay madaxda oo aan dhamaantood kusoo wada xaroon Muqdisho
 
Waxaa lagu wadaa caawa ilaa galabta in ay Muqdisho ka dhacaan shirar hordhac u ah shirka bari ka furmaya Magaalada Muqdisho.