Video:-Madaxweyne Xaaf Oo gaaray muqdisho si weyna loogu soo dhaweeyay

Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa oo garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in Shirka u dhaxeeya Dowlada Dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka uu Bari ka furmayo Muqdisho.

Mudane Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka qaar kamid ah aanay soo gaarin Muqdisho islamarkaasina ay maanta soo dhameystirmi doonaan si shirka bari uu u furmo.

Magaalada Muqdisho waxaa hadda ku sugan Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan , Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ,Madaxweynaha Hir Shabelle Mudane Cabdi Waare.iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

Sidoo kale galinka Dambe ee maanta ayaa waxaa lagu wadaa in ay Muqdisho gaaro Madaxweynaha Dowlada Puntland ahna Gudoomiyaha  Madaxweynayaasha Fadaraalka Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka