Wararkii Ugu danbeeyay Qaraxii Hotel Naasa-hablood 2 Ee Muqdisho

Meydadka illaa 10 Qof oo Shacab ah oo yaalla Iridka hore ee Hotelka Naasa-hablood 2
 
Irida hore Ee Hotelka Naasa-hablood 2 oo uu ka dhacay Qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ayaa lagu arkay Meydadka illaa 10 Qof oo Shacab ah oo ku dhintay Qaraxa islamarkaana ay ku jiraan kuwo Saarnaa Gaadiid Goobta marayay.
 
Sidoo kale waxaa Goobta laga daadgureeyay Dhaawacyo gaaraya ilaa 15 Qof oo ay qaadeen Gaadiidka Gurmadka deg dega ah.
 
Weli waxaa Hotelka laga Maqlayaa Rasaas ka dhaceysa,iyadoo Ciidamada Ammaanka ay xireen Goobta uu Qaraxu ka dhacay.
 
 
Ls oco wararkayaga danbe.