Dhagayso:-Wasiir Qarjab Oo shacabka Puntland ugu baaqay in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka

Cabdir Xirsi Cali Qarjab Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland oo maanta warbaahinta kula hadlayey Magaaladda Garoowe ayaa shacabka ugu baaqay inay ammaanka ka shaqeeyaan, wuxuuna ka digey falal lamid ah kuwii kadhacay Muqdisho.

”Dadweynaha reer Puntland meel walba ay joogan ay ka wada shaqeyaan xoojinta amniga iyo horumarka cid walbana ay shaqada meesha kaga aadan ay ka gasho hadaana sidaa yeelin ogaada wax noo suurta galayaa majiriaan.” sida waxaa yiri Wasiir Cabdi Xirsi Qarjab.

Wasiirka wasaradda warfaafinta Puntland oo hadalka sii wata,ayaa ku booriyay shacabka in ay soo sheegaan wixii ay ka shakiyaan,hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan.

 

 

 

Hoos ka dhagayso codka Wasiirka