Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Gaas iyo xildhibaanada fadaraalka ku matala Puntland ?

Madaxweyanaha Dowlada Puntland Abdiweli Mohamed Ali Gaas oo magaalada Muqudisho u jooga kulanka dowlada fadaraalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa maanta la kulmay xildhibaanada iyo Wasiirada  ka soo jeeda puntland ee ku matala dowlada fadaraalka.

Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ayaa ka wada hadlay arimo dhawr ah oo ay ugu horeeyeen nidaamka fadaraalka, khilaafka dowlada fadaraalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ayaa aad iskula jeexjeexay una gorfeeyay arimhaas,iyagoo ugu danbayntiina isla meeldhigay in la xoojigo midnimada umadda soomaaliyeed meelna looga soo wada jeesto horumarka iyo midnimada Puntland.