Video:- Isbitaalka Guud ee Magaaladda Kismaayo oo Dhismo Cusub Lagu Soo Kordhiyey

Isbitaalka Guud ee Magaalada Kismaayo ayaa lagu soo kordhiyey qayb kale oo lagu tala galay  in lagu dabiibo bukaanada la ildaran nafaqo darrada, dhismahan cusub ayaa socday mudo hal sano ah waxaana gacan weyn ka gaysatay Hay’ada ARC oo ayadu waday mashruucaan.

Qaybtaan cusub ayaa waxaa la seexin karaa bukaano gaarayo boqol iyo toban ruux waxaa uu sidoo kale uu leeyahay hoolal gaaraya ilaa sideed hool. Sidoo kale dhismahan cusub ayaa lagu soo korhiyey mashiin biyaha Sifeeya.

Xuseen Shiikh Qaasim Agaasimaha Guud ee isbitaalka Magaalada Kismaayo ayaa sheegay  in adeegyada laga bixiyo  isbitaalka guud yihiiin  kuwa lacag la’aan ah.

Wasiir ku Xigeenka WasaaradaCaafimaadka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Cali Nuur Axmed ayaa soo dhaweeyey dhismahan cusub waxa uu intaasi raaciyey in ay shaqaalaha isbitaalka ay ilaaliyaan nadaafada guud ee isbitaalka.

Madaxwayne ku Xigeenka Labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamud (Luga Dheere) ayaa u mahadceliyey Hay’ada mashruucaan fulisay iyo guud ahaan shaqaalaha isbitaalka Magaalada Kismaayo.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka